Sidee Israa'iil ula wareegtay dhulka
Falastiin, xageese ka yimaadeen markii hore?
Kadib weerarkii Xmaas ay ku qqaday israa'iil 7
October ayaa dad badan oo da'yar ah is weydiinayaan sida Israa'iil ku qabsatay
Falastiin.
Fahamka dhacdooyinka taariikhiga ah ee
horseeday xaaladda hadda jirta ayaa ah mid muhiim si aad u fahanto sida ay ku
dhisantay Israa'iil.
Asalka colaadda ayaa ah mid dib loogu celiyo
sanadkii 1948 dii oo ay barakaceen Falastiiniyiin badan.
Sidee ayay Israel Ku
qabsatay inta badan dulka Falastiin?
Ingiriisku waxa uu la wareegay gacan ku haynta
dhulka loo yaqaan Falastiin ka dib markii taliyihii qaybtaas bariga dhexe ka
talinayey ee Boqortooyadii Cusmaaniyiinta lagu jabiyey dagaalkii koowaad ee
aduunka.
Dhulkaas waxaa deggenaa Yuhuud laga tiro badan
yahay iyo Carabta oo u badanna, iyo weliba qowmiyado kale oo yaryar.
Xiisada labada shacab ayaa kor u kacday markii
beesha caalamku ay UK siisay hawsha ah in Falastiin laga sameeyo "guri
qaran" oo loogu talagalay dadka Yuhuuda ah.
Tani waxay ka timid Bayaankii Balfour ee 1917,
ballanqaad uu u sameeyay Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee xilligaas Arthur
Balfour bulshada Yuhuudda ee Britain.
Bayaanka waxaa lagu qeexay amarkii Ingiriiska
ee Falastiin waxaana taageeray Ururkii Qaramada Midoobay - oo horudhac u ahaa
Qaramada Midoobay ee hadda jirta.
Yuhuuda ayaa Falastiin u arkayay dhul ay
awoowayaashood la hayeen, laakiin Carabta Falastiiniyiinta ayaa iyaguna sheegta
dhulkaas oo ka soo horjeestay
tallaabadaas.
Intii u dhaxaysay 1920-kii iyo 1940-meeyadii,
waxaa kordhay tirada dadka Yuhuudda ah ee halkaas imaanaya, iyadoo qaar badan
oo ka mid ah ay ka carareen cadaadiskii Yurub, gaar ahaan xasuuqii Nazi-ga ee
dagaalkii labaad ee Adduunka.
Waxaa sidoo kale kordhay rabshadaha u dhexeeya
Yuhuuda iyo Carabta, iyo gumeysiga Ingiriiska.
Sannadkii 1947-kii, Qaramada Midoobay waxay u
codaysay in Falastiin loo kala qaybiyo Yuhuud iyo Carab, iyadoo Qudus ay
noqotay magaalo caalami ah.
Qorshahaas oo ay aqbaleen madaxda Yuhuuda
balse waxaa diiday dhinaca Carabta ilaa hadana aan ogolaan.
Sidee yuhuudu ugu
baahday dhulkii kale ee Falastiin?
Markii gumeystihii Ingiriiska uu ka dhamaaday
dalka Falastiin dhamaadkii 1940-meeyadii, waxaa cirka isku sii shareeray
xiisada u dhaxeysa Yuhuuda iyo Carabta, taasoo keentay dagaal dhex mara
dowladda cusub ee Israa’iil iyo dalalka deriska la ah ee Carabta bishii May
1948.
Dadka Yuhuudda ah ma ay lahayn waddan ay iyagu
leeyihiin. Wadamada reer Yurub raali kama ahayn in ay dhulkooda uga tanaasulaan
qadiyadda Yuhuuda awgeed.
Aabihii Israa'iil ee David Ben-Gurion ayaa ku
dhawaaqay Dawladda casriga ah ee Israa'iil 14-kii Maajo 1948-kii, isaga oo u
sameeyay meel ammaan ah oo loogu talagalay Yuhuudda ka soo cararaya cadaadiska
ka soo wajahayay dhulalkii ay ku noolaayeen.
Falastiiniyiintu waxay abuuritaanka Israa’iil
kutilmaameen 'Nakba', ama masiibo.
Dagaaladii dhexmaray Israa'iil iyo wadamada
kale ee Carabta ayaa ciidanka Masar ku qabsadeen dhul ciriiri ah oo ku yaal
Gaza, taas oo keentay inay saddex jibaarmaan dadka gobolka waxayna gaareen ilaa
200,000. Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa magangalyo u doontay Qaza ka dib
markii ay guryahoodi ka soo barakaceen.
Dagaalkii xigay, ilaa 700,000 oo
falastiiniyiin ah oo kala bar ahaa dadkii Carabta ahaa ee ay Ingiriisku gumaysanayeen
ee kunoolaa Falastiin, ayaa ka qaxay ama laga saaray guryahoodii, kuwaas oo u
cararay meelo ka mida ah dalalka Jordan, Lubnaan iyo Suuriya iyo sidoo kale
Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.
Halkaas ayuu ka bilowday dhulbalaarsigii
koobaad.
Dhacdooyinkii xigay
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
,
Hubka dagaalka ee Masar ayaa la burburiyay dhinacyada wadada
Sinai ka dib markii ay duqeeyeen dayuuradaha Israel intii lagu jiray dagaalkii
lixda maalmood ee 1967.
1.Dagaalkii iyo
qabsashadii milatari ee Israa'iil 1967
Dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, Israa'iil
waxay qabsatay marinka Gaza. Kadib dagaal taariikhda galay oo dhexmaray iyo
Masar oo socday muddo todobaad ah.
Ciidamada Israa’iil ayaa u haray Qaza si ay u
maamulaan dhulkaasi ayna u ilaashadaan.
Tirakoobka ay Israel sameysay ee sanadkaas
ayaa dadka Gaza ku nool ku qiyaasay 394,000, iyadoo ku dhawaad 60% ay yihiin
qaxooti.
2.Kacdoonkii Falastiin
ee ugu horeeyay iyo Samaynta Xamaas 1987
Bishii Disembar 1987, Falastiiniyiintu waxay
bilaabeen intifada (kacdoon), ka dib shil baabuur oo ay ku lug lahaayeen
baabuur ciidamada Israel ay wateen iyo shaqaale falastiiniyiin ah oo ku sugnaa
xerada qaxootiga ee Jabalya ee Gaza.
Intifada ayaa horseeday mudaaharaadyo
dhagax-tuur ah iyo shaqo joojin. Muddadaas, ururka Ikhwaanul Muslimiin ee
fadhigoodu yahay Masar ayaa lagu eedeeyay inay abuureen garab hubeysan oo la
yiraahdo Xamaas, taasoo ujeeddadeedu ahayd inay Israa’iil burburiso oo ay xukun
Islaami ah ka dhisto.
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Guddoomiyaha PLO Yaasir Carafaat ayaa gacan qaaday ra'iisul
wasaaraha Israa'iil ee wakhtigaas Yitzhak Rabin, iyadoo madaxweynaha Mareykanka
Bill Clinton uu dhex taagan yahay iyaga oo jooga Aqalka Cad, Sebtembar 1993.
3.Heshiiskii Oslo iyo
madaxbanaanida Falastiin 1993
Sannadkii 1993-kii, Israa’iil iyo
Falastiiniyiintu waxay saxiixeen Heshiiskii Oslo, oo ahaa heshiis nabadeed oo
muhiim ah oo aasaasay maamulka Falastiiniyiinta.
Heshiisku wuxuu oggolaaday in si xaddidan
Falastiin ay u maamusho Gaza iyo Jericho oo ah Daanta Galbeed. Yaasir Carafaat
ayaa ku laabtay Gaza ka dib tobanaan sano oo uu dibad joog ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodkii Oslo
uma horseedin dowladnimo sidii markii hore la filayey, sababo la sheegay inay
la xiriiraan khilaafyo iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin deegaan balaarsiga
Israa’iil iyo dhaliilaha Falastiiniyiinta loo jeediyo ee musuqmaasuqa.
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Bilayska Falastiiniyiinta ayaa rasaas isweydaarsaday askarta
Israa'iil intii lagu jiray isku dhacyo ka dhacay meel u dhow deegaanka Netzreem
ee Marinka Gaza, Oktoobar 2000
4.Kacdoonkii labaad ee
Falastiin 2000
Kacdoonkii labaad ee Falastiin wuxuu bilowday
2000, taasoo sii xumeysay xiriirka Israel iyo Falastiin.
Muddadaas waxaa la arkay weeraro is qarxin ah,
weerarro toogasho ah oo ay gaysteen Falastiiniyiinta, iyo jawaabaha militariga
Israa’iil sida duqaymo, burburin, iyo bandow.
Garoonka caalamiga ah ee Qaza oo astaan u ahaa
rajada Falastiiniyiinta ee madax banaanida dhaqaalaha ayay Israel u burburisay
sababo amni.
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Nin Falastiini ah oo saaran faraskiisa isagoo sita calanka
falastiiniyiinta isaga oo marayey sunagog ama macbadka dadka Yahuuda oo ku yaal
deegaankii hore ee koonfurta Marinka Gaza ee Neve Dekalim, Sebtembar 2005.
5.Go'doominta
bilaabatay 2006
Sannadkii 2006, Xamaas ayaa guul lama filaan
ah ka gaartay doorashadii baarlamaanka ee Falastiin, ka dibna waxay si buuxda
ula wareegtay gacan ku haynta Gaza, iyagoo afgambiyey ciidamadii daacadda u
ahaa madaxweyne Maxamuud Cabaas.
Wadamo badan ayaa Xamaas u arkayey urur
Argagixiso waxayna hoos u dhigeen gargaarkii ay siin jireen Falastiiniyiintii
ku sugnaa dhulka ay Xamaas maamusho.
Waxaa la sheegay inay leeyihiin garab milatari
oo ka kooban ku dhawaad 40,000 oo dagaalyahan, Xamaas waxay hadda u shaqeysaa
sidii ciidan yar-yar waxayna ku faantaa inay leedahay barnaamijyo tababar oo
gaar ah, oo ay ku jiraan amniga internetka iyo cutubka ciidamada badda.
Comments
Post a Comment