Shacabka oo ka falceliyay casuumaada ay dowladda somalia ufidisay madaxdii hore

 Dadweynaha qaar ayaa boggaadiyay shirkan, iyaga oo ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh, halka kuwa kalena ay dhaliileen, waxayna yiraahdeen:-

Maxamed Xuseen Waliyow wuxuu yiri “Mahadsanid Mudane Madaxweyne in aad ka dhabeyneyso halku dhigaagi ahaa Soomaali Heshiis ah dunidana heshiis la ah.”

Ridwaan Axmed Nuur ayaa isna soo dhoweeyay shirka “Waa tallaabo wanaagsan in waayo araga siyaasadda wax laga weydiiyo xaalada taagan iyo tallaaboyinka xiga sida ugu haboon ee loo qadi karo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Guul.”Wiil kale oo lagu magacaabo Maxamed Suu ayaa naqdiyay shirka, wuxuuna yiri “Kan shir ma’ahan ee waa dad isku caraysan oo midba midka kale iska ilaalinayo.”

Ibraahim Maxamed Cismaan ayaa isagana ku jawaabay “Mar haddii miiska la wada fahdhiyo waa wax fiican. Waddanka guul ayaan u rajeynaya.”

Cabdinajiib Sheekh Cabdullahi ayaa sidoo kale su’aal ka keenay maqnaashaha Farmaajo, wuxuuna yiri “ Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka maqan shirka maxaa dhacay hee?.”Cabdiraxmaan Khaalib ayaa isna rajo xumo muujiyay “Kulankan wax ahmiyada ma lahan Madaxweynaha uun baa raba inuu culaysyada saaran isaga dajiyo oo indhaha shacabka ka leexiyo khilaafka iyo jahwareerka ka taagan hay’adaha kala duwan ee dowladda.”

Comments

Popular Posts