Ergeyga arrimaha somaliland oo lakulmay wakiilka qaramada midooway ee soomaaliya

 

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikarim xussein Guuleed ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing, waxaana kulanka diiradda lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND iyo sidii guulo la taaban karo looga gaari lahaa.
Ergayga ayaa Wakiilka Q/M ee Soomaaliya uga warbixiyay dedaalada DFS ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wadahadlaan, waxaana uu caddeeyay in DFS ka go’antahay hirgalinta waxkasta oo muhiim u ah midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Wakiilka Qarada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada DFS, waxaana ay Ergayga u muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Q/M diyaar u tahay ka qeyb qaadashada ka gun-gaarista wadahadallada SOOMAALIA  iyo SOMALILAND.

Comments

Popular Posts